Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Date:

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga hadlayey arrimaha la xiriira maalgalinta howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasilinta gobolka iyadoo si gaar ah loo dul istaagay ahmiyadda taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM ay muhiim u yihiin adkaynta guulaha laga gaaray kahortagga halista kooxaha khawaarijta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...