Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Date:

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga hadlayey arrimaha la xiriira maalgalinta howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasilinta gobolka iyadoo si gaar ah loo dul istaagay ahmiyadda taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM ay muhiim u yihiin adkaynta guulaha laga gaaray kahortagga halista kooxaha khawaarijta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...