Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Date:

Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho ay sanadkii 2024 gashay kaalinta labaad ee dekedaha ugu horumarka badan Bariga Afrika.

Isagoo la hadlayay shaqaalaha dekedda, ayuu Maareeyuhu xusay in marxaladda xigta ay u baahan tahay xoojinta waxqabadka iyo dhaqan-gelinta dhammaan waaxyaha muhiimka ah. Wuxuu ku boorriyay shaqaalaha inay muujiyaan howlkarnimo iyo mudnaan siinta hawlaha loo igmaday, si kor loogu qaado hufnaanta shaqada loona xaqiijiyo sii jiritaanka guulaha la gaaray.

Guushan ayaa ka dhalatay tartan adag oo lala galay dekedaha Mombasa,Kenya, Dar es Salaam Tanzania, iyo D. Jabuuti, Jabuuti,Dekedda Muqdisho ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...