Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado

Date:

Guddoomiyaha Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale “Xabeeb”, ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Mudug isaga oo ay wehliyaan koox caafimaad oo khaas ah si ay daawayn iyo la talin caafimaad ugu fidiyaan dadka qaba xanuunnada dhimirka iyo kuwa nafsiga.

Wafdigan ayaa waxa halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiinta caafimaad deegaanka, oo uu ka mid yahay Maareeyaha Cisbitaalka Xabeeb ee Cadaado, Shariif Fagaaso, kaas oo u sheegay Telefishinka Qaranka in hindisaha Xabeeb uu horey u caawiyey bukaano badan isla markaana uu sii socon doono inta kooxda caafimaadku joogto magaalada.

Dr. Cabdiraxmaan ayaa xusay in Cisbitaalka Xabeeb uu xaruntiisii Cadaado furay bishii May 2024, tan iyo markaasna uu daweeyey ku dhowaad 900 bukaan oo ka kala yimid deegaanada Soomaalida ee Itoobiya, Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in maanta uu bilaabanayo barnaamij cusub oo daawayn adag ah, kaas oo socon doona muddo bil ah ayadoo ay ka shaqaynayaan koox caafimaad oo dhammaystiran.

Cisbitaalka dhimirka ee Xabeeb, oo la aasaasay 24-kii November 2005, ayaa ka mid ah xarumaha ugu hormuudka ah dalka ee ku takhasusay caafimaadka maskaxda, wuxuuna hadda maamulaa afar xarumood oo ku yaalla Muqdisho iyo hareeraheeda, kuwaas oo daryeela in ka badan 600 bukaan oo jiif ah, da’dooduna u dhaxayso 17 ilaa 33 sano.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...