Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar oo ka wada hadlay gargaarka iyo tababarrada

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar Xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Ahmed Aadan Xamiid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood, gaar ahaan ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dabiiciga ah, horumarinta howlaha gargaarka bani’aadantinimo, iyo taageerada dhanka tababarka iyo xirfadaha shaqaalaha SoDMA si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.

Madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay SoDMA dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiso wax ka qabashada xaaladaha bani’aadantinimo, isagoo caddeeyey in Bisha Cas ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dhinacyada horumarinta iyo adeegyada degdegga ah ee loo baahan yahay si loo caawiyo dadka nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku dheeraaday muhiimadda wada-shaqeynta joogtada ah, isagoo xusay in iskaashiga labada hay’adood uu horseedi doono xal waara oo wax ku ool ah oo lagu yareynayo nuglaanta bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo xaqiijiyo badbaadada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...