Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta

Date:

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa gudaha dalka, gaar ahaan gobolada Hiiraan, Sh.Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud iyo kuwo kale ka socday abaabullo iyo diyaargarow dagaal oo la doonayo in lagu xoreeyo deegaanno kamid ah goboladaasi oo kooxaha khawaarijta ay ka wadaan falal lagu dhibaateynayo dadka shacabka

Abaabuladaan dagaal ayaa daba socda qorsho howleed ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh ,kaas oo la doonayo in laga ciribtiro kooxaha argagixisada ee caadeystay in ay ku naaxaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka rayidka ah,gaar ahaan beeraleyda iyo kuwa xoolo dhaqatada.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada ee ku sugan Hiiraan , Gaalgaduud iyo labadaShabeelle ay u diyaargaroobeen dagaal ka dhan ah nabad-diidka,waxaana ka g’an saraakiishaasi sidii deegaanadaasi looga saari lahaa kooxaha Al-Shabaab,isla markaana loo badbaadin lahaa bulshada halkaasi,

Waxaa muuqda in diyaargarowga iyo howlgalada ciidanka ee xilligaan lagu saleeyay qorshaha dhamaadka Al-Shabaab,maadaama la helay muwaadiniin badan oo diyaar u ah in ay u istaagaan dagaal toos ah oo naf hurnimo ah oo lala galo kooxaha khawaarijta.

Maalmihii u dameeyay waxaa magalada caasimadda ah ka socday dhaq-dhaqaaq ay wadaan maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo ku aadanaa sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen abaabulka loogu jiro in mar kale loo howlgalo dagaal lagu sifeynayo maleeshiyaadka ku sugan deegaanno kooban.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),ayaa dhowaan kulan dhiirigaslin ah la qaatay ciidanka ku jira xerada Qorillowo iyo kuwa deegaanka Xaluulle oo ay joogaan boqolaal macisleey ah oo ka soo jeeda Warshiikh.

Guddoomiyaha oo la hadlay ciidankaasi iyo kuwa macawisleeyda ah ayaa u sheegay in maamulkiisa uu garab buuxa siinayo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qaybgalaya hawlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka naf-la-caariga ah ee argagixisada Al-Shabaab.

Muungaab oo sidoo kale booqday deegaanada Xaaji Cali,Raage Ceelle iyo kuwo kale ayaa kormeerkiisa loo arkaa tallaabo dhiirrigelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa hawlgallada ka socda dalka , iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka oo waqtigaan u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta.

Si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab,waxaa lagama maarmaan ah in dowladda ay joogteyso howlgallada,isla markaana la bilabo wejiga cusub ee dagaalka looga horjeedo khawaarijta .

Waxaa hubaal ah in haddii howlgallada dowladda ay u dhacaan sidii la rabay ay suurtagal tahay in gabi ahaan la soo afjaro dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee maleeshiyaadka nabad diidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...