Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Date:

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir. Kormeerkan ayaa yimid kadib markii Duqa Muqdisho uu dhawaan bixiyay lacagtii dib-u-dhiska waddadan, oo hakad ugu jirtay kharash la’aan.

Mudane Cabdimajiid ayaa la kulmay shirkadda dhismaha waddada, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda waddadan u leedahay isu-socodka gaadiidka iyo bulshada. Wuxuu shaqaalaha ku boorriyay inay dardargeliyaan hawlaha si waddadu ugu dhammaato waqtigeeda, loona yareeyo ciriiriga ka jira waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho.

Waddadan ayaa markii hore dhismaheeda la billaabay balse waxa ay hakad gashay muddo todoba bilood ah, kadib markii maamulka hore uu bixin waayay kharashka dhismaha. Si kastaba, dib ayaa loo billaabay shaqada horraantii bishan kadib markii Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu bixiyay lacagtii shirkadda dhismaha ay ku lahayd dowladda hoose.

Waxaa xusid mudan in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u maalgeliyay waddooyin badan oo muhiim ah, iyadoo dhaqaalaha lagu dhisay laga soo jaray lacagihii si’ aan sharci ahayn ugu bixi jiray boqolaal qof oo aan u shaqeynin maamulka gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...