Wasiirka Qoyska XFS oo Oslo kula kulantay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Norway

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo wafdi ay hoggaamineyso oo safar shaqo ku jooga dalka Norway, ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Norway, Kjetil Vevle. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dal.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar, iyo Cabdullaahi Maxamed Calas, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Norway. Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay daryeelka bulshada, gaar ahaan adeegyada loo fidiyo carruurta, haweenka, iyo dadka naafada ah.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigeeda waxay kulan la qaateen Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Norway (NORAD), Kristin Hagstad, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada mashaariicda horumarineed ee la xiriira xuquuqda haweenka iyo carruurta.

Wafdigu wuxuu sii wadi doonaa kulammo muhiim ah oo lala qaadanayo hay’adaha iyo masuuliyiinta dalka Norway.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...