Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

Date:

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeyb-galaya Shirweynaha 9-aad ee Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) oo ka socda magaalada Yokohama, Japan.

Wasiirka waxaa wehlinaya Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Cismaan, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullaahi Cali.

Intii lagu jiray furitaanka shirka, Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay, isagoo si gaar ah u iftiimiyay:

1′ Guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ka mid tahay dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka barnaamijka cafinta deynta.

2′ Kalsoonida ay muujiyeen maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ay taageerayaan jihada dhaqaale iyo xasilloonida ganacsiga.

Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga 2060 (Centennial Vision), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado waara.

Wasiir Beenebeene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan Japan, in ay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee Soomaaliya sida:

– Kalluumeysiga badda hodanka ah,

– Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef,

– Fursadaha tamarta qoraxda iyo maalgashiga ganacsiga gobolka.

“Soomaaliya waa dal leh fursado badan, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan-wadaag iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...