Madaxda Gobolka Minnesota oo Abaalmarinaya halyeeyada Soomaaliyeed

Date:

Hay’adda(VOS) ee fadhigeedu uu yahay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, 15-kii sanno ee ugu dambeeyey ka shaqeyneysay horumarinta iyo gacansiinta bulshada ayaa dabayaaqada sannadkan 2025, waxay soo agaasintay barnaamijka loogu magacdaray dhiirigelin bulsho (SHA)- Somali Hero Awards.

Cali Gaashaan oo ah aas aasaha hey’adda VOS ahna madaxweynaha Soomaali Hero Awars ayaa wakaaladda warka soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ay Soomaali hero astaanteedu tahay dhiirigelinta kuwa mudan.

Madashan maamuuska weyn leh waxaa isugu imaan doono dhammaan Soomaalida ku nool daafaha caalamka gaar ahaana kuwa kuhowlan wax qabadka bulshadooda, iyadoona lagu xusi doono halyeeyadii qarankeena usoo halgamay.

Abaalmarinta ayaa waxaa lagu bixin doonaa qaab Online ah, barta somaliheroawrds.com ayey bulshada ugu soo dhiiban doonaan codkooda si ay usiiyaan qofka u qalma, madax iyo marti sharaf qiima leh oo kasocda Hay’adda ayaa kamid ah dadka kasoo qeyb geli doona barnaamijka maamuuska halyeeyada.

Barnaamijka maamuuska haleyeeyada Soomaalida ayaa noqon doona mid la qaban doono sanadkii mar iyadoo la dhiirigelin doono kuwa mudan ee guuleystay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026. 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...