Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Duhulow ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Mudane Richard Hiley, iyo Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, Matthew Younger.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga ku saabsan Maaraynta Amniga Xuduuddaha, Aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, Hirgelinta nidaamka cusub ee PISCES oo ay Maraykanku taageeraan, iyo Hirgelinta nidaamyada isku-xirka adeeg bixinta baasaboorka ee HSJ iyo NIRA iyo barnaamijyada lagu xoojinayo kobcinta awoodda iyo xirfadda shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...