Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo Agaasimaha furdooyinka, ayaa maanta xarunta dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, Mr. Charles King, iyo koox ka socotay Xafiiska horumarinta dowladda UK.

Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku haya u kuurgelidda hannaanka casriyeynta dakhliga gudaha, iyadoo Dowladda UK ay gacan ka geysatay dhisidda habka wada-shaqeynta Dowladda iyo Cashuur-bixiyaha ee loo yaqaan SOMCAS (Sistamka Casriga ah ee furdooyinka). Waa hannaan online ah oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Maamulka qeybta Maaliyadda ee Dekedda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiir Charles King ayaa kormeerka kadib sheegay in Dowladda UK ay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya, iyo ka qayb qaadashada qorsheyaasha horumarineed ee la xiriira sare u qaadista dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageeradeeda joogta ah ee ay siiso Dowladda Soomaaliya, waxaa uu intaa ku daray hannaanka casriyaynta ilaha dakhliga in uu mudnaan gaar ah u lee yahay Wasaaradda Maaliyadda, si sare loogu qaado dakhli uruurinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...