Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Date:

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil toogasho ah saddex dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo horey dilal uga geystay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Qudaama Xamsa Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey), iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa ahaa eedeysanayaal horey ay maxkamaddu ugu xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo falal amni-darro ah.

Fulinta xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen saraakiil Ciidan iyo xubno ka tirsan hay’adaha garsoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...