Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo

Date:

Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay’addu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedada habraacyadan ayaa ah in la dardargeliyo hannaanka adeeg-bixinta, lana xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeegyo tayo leh oo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee HSJ waxaa ka qeyb galay Agaasime Ku-xigeennada Guud, Lataliyeyaal, Agaasime Waaxeedyada, iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada hay’adda. Kulankan wuxuu muujiyey midnimo iyo ka-go’naansho dhab ah oo ku aaddan hirgelinta isbeddelada la xiriira adeegga.

Habraacyada la saxiixay ayaa daboolaya dhammaan adeegyada ay Hay’addu bixiso, waxaana ka mid ah:

• Habka dalbashada iyo bixinta baasaboorka Soomaaliyeed

• Maamulka socdaalka iyo xuduudaha, si loo hubiyo dadka dalka soo galaya ama ka baxaya

• Maamulka shaqada iyo shaqaalaha

• Maaraynta maamulka guud ee Hay’adda

Yaraynta Waqtiga Dalabka Baasaboorka

Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay habraacyadan cusub ayaa ah yareynta waqtiga la sugayo baasaboorka caadiga ah. Tani waxay si toos ah u anfici doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeegyo degdeg ah oo hufan.

1. Dalbashada baasaboorka cusub – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 7 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 15 maalmood.

2. Cusboonaysiinta baasaboorka dhacay ama lumay – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 4 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 10 maalmood.

Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka ay hay’addu hiigsanayso. Waxa uu tilmaamay in ay si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo mideysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg sharaf leh, degdeg ah, oo aan carqalad lahayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...