Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyay Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika

Date:

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, aayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye, oo ah Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, dardargelinta howlaha nabadeynta, iyo taageerada la xiriirta xasillinta dalka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa si diirran u soo dhaweeyay Danjire Kariye, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo isku-duwidda howlaha AUSSOM iyo Dowladda Federaalka, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo sal u noqota horumar waara.

Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso AUSSOM, si loo gaaro guulo muuqda oo dhanka nabadda, amniga, iyo dib-u-dhiska dalka ah.

Danjire Mukhtaar Cusmaan Kariye ayaa dhankiisa uga mahadceliyay soo dhawaynta uu kala kulmay dowladda Soomaaliya, isaga oo balan qaaday in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...