Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyada oo ay labada Madaxweyne ka wada hadleen muhiimadda iskaashi buuxa oo ay Jabuuti la yeelato Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo garab istaagga geeddi-socodka xasilinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Awdal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Gobolka Awdal.

Intii uu socday kulanka, labada Madaxweyne waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow iyo wada-tashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah.

Ugu dambeyntii, labada Madaxweyne waxay hoosta ka wada xariiqay in xasilloonida, midnimada, iyo horumarka Soomaaliya ay saldhig u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...