Hay’adda NISA oo baaris ku haysa hantida iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada

Date:

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka (NISA), waxa ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Argagixisada, waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa uruurinta Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka. Sidaas darteed, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaas.

Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya.

Ganacsade/muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Khawaarijtu qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...