Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta si rasmi ah u furay maalinta shanaad ee Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee EASF, oo ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiyada ka socda dalalka xubnaha ka ah EASF, isagoo uga mahadceliyay doorkooda firfircoon iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga difaaca ee gobolka.

“Sharaf weyn bay noo tahay in aan martigelinno shirka sanadlaha ah ee EASF, annagoo guddoon u ah sanadkan. Tani waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka Afrikada Bari,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u dul istaagay caqabadaha amni ee ka jira gobolka oo ay ka mid yihiin argagixisada, xagjirnimada, isbeddelka cimilada iyo qalalaasaha siyaasadeed — isagoo ku baaqay in dalalka xubnaha ah ay si wadajir ah uga jawaabaan khatarahaas iyagoo mideysan.

Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Wasiirka ayaa caddeeyay kalsoonida uu ku qabo talooyinka kasoo baxay shirarkii hore ee khubarada iyo taliyeyaasha, wuxuuna xusay in shirkan maanta uu fursad yahay lagu ansixinayo qorshayaal muhiim u ah mustaqbalka EASF.

Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Xoghaynta EASF iyo waddamada xubnaha ka ah dadaalkooda joogtada ah, isagoo rajo ballaaran ka muujiyay in shirka Muqdisho uu noqon doono mid lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda guud ee gobolka Afrikada Bari.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay dowladaha xubnaha ka ah AUSSOM oo si hagar la’aan ah u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee lasoo dhaafay. Waxa uu xusay in dadaalladaasi ay horseedeen miro-dhal muuqda oo dhanka nabadeynta ah, taas oo marag u ah in iskaashiga dhab ah uu keeni karo guulo la taaban karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...