Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy).

Kulanka oo socon doono mudo laba maalmood ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Warfaafinta Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, SSC-Khaatumo & Gobolka Banaadir, madaxda xafiisyadda warbaahinta ee xafiisyadda DFS, wakiilo kasocda Warbaahinta Madaxa Banaan, Gollaha Madaxa Banaan ee Warbaahinta iyo Dadka Caanka ka ah Baraha Bulshada (social media).

Agaasimaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay ujeedka kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Warbaahinta ‘’maaraynta khataraha isticmaalka qaldan ee baraha bulshada’’ iyo Ajendihiisa, isagoo kusoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Cabdilaahi Xayir Ducaale oo kalmada soo dhawaynta ka jeediyay madasha ayaa si kooban faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka kulanka, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad mideysan oo lagu wajahayo khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha in kulanka ay uga faa’iideystaan sidii loo dhisi lahaa hannaan siyaasadeed oo suurtagelinaya in baraha bulshada loo adeegsado si waxtar u leh bulshada, loogana hortago wararka khatarta ah sjda xagjirnimada, been abuurka, iyo marin-habaabinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...