Degmada Shibis oo ku guuleysatay Koobka Kubadda Koleyga Degmooyinka G. Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa galabta koobka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay Naadiga Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis, kadib markii ay ciyaartii kama dambaysta ahayd 62โ€“54 uga adkaadeen dhiggooda Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay Naadiga Degmada Shibis guusha ay ka gaareen tartanka, isagoo tilmaamay dadaalkooda iyo ciyaar wanaaggooda. Ciyaarta waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirro, Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaal, Guddoomiyeyaal Degmooyin iyo kumanaan taageerayaal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...