Muqdisho oo lagu qabtay kulanka qorshaha 7-aad ee horumarinta bulshada Barigga Afrika ee (2026–2031)

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Shire, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulan wadatashi oo laba cisho socday, kaas oo lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya ay uga qeyb qaadan lahayd diyaarinta qorshaha 7-aad ee horumarinta bulshada Bariga Afrika ee (EAC Development Plan 2026–2031).

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan hay’adaha dowladda oo ay khuseyso arrimaha horumarinta, waxaana si wadajir ah loogu gogol xaaray aragtida iyo mudnaanta ay Soomaaliya dooneyso in lagu daro qorshaha cusub ee Bariga Afrika.

Intii uu socday kulanka, hay’adaha dowladda waxay soo bandhigeen halbeegyo iyo hortabinno qaran oo la jaanqaadaya himilooyinka horumarineed ee Soomaaliya shanta sano ee soo socota.

Mas’uuliyiintii shirka ka qeybgalay ayaa muujiyay muhiimadda iskaashi qaran iyo mid goboleed si Soomaaliya uga mid noqoto geeddi-socodka horumarineed ee Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...