Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Date:

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay shaqooyinka golaha horutebinta u leh inta ka harsan kalfadhiga lixaad, waxaana intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiyada laga dhageystay warbixinno ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u harsan.

Ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ajendeyn iyo jadwaleynba ku sameeyay ajendayaasha kulamada golaha ee todobaadka soo socda, waxaana guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in la dardargeliyo shaqada golaha shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...