Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Date:

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta oo saacadihii lasoo dhaafay lagu laayay howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen in ka badan 40 Khawaarij ah, ayna noloshana ay ku qabteen xubno ay ku jiraan horjoogayaal, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay iyo godadkii ay galeen oo lagu burburiyey.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa noo sheegay in howlgalladu ay weli socdaan oo ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta, isla markaana ay ka saareen deegaano muhiim ah oo hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada Danab ee xoogga dalka.

In ka badan 120 Khawaarij ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay howlgallada dalka ka socda, kuwaas oo lagu beegsaday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada hoose, weli waxaa goobihii lagu laayey ka socda baacsiga firxadka Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...