Wasaaradda Shaqada XFS oo heshiis shaqo abuur ah la saxiixatay dalka Qatar 

Date:

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo-abuurka dalka dibaddiisa.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, oo ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay madaxda Dowladda Qatar, gaar ahaan madaxda Wasaaradda Shaqada ee dalkaas.

Dhinaca kale, Guddiga Farsamada ee iskaashiga shaqada ee u dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya ayaa isna ku kulmay magaalada Doha, si ay uga wada hadlaan nidaamka shaqaaleysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqo ee ay labada dal horey u kala saxiixdeen.

Heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar waa mashruuc ballaaran oo lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo iskugu jira xirfadlayaal kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...

Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo qaabilay madax ka tirsan hay’adda DRC

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...