Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities โ€“ NAPDA), ka dib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Mareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow oo ka qaybgalay shirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga goโ€™an tahay ilaalinta xogta shakhsiyeed, asturnaanta dijitaalka ah iyo ka qaybgalka madasha heer goboleed ee arrimaha dhowrista xogta.

Kulanka NAPDA oo ay isugu yimaadeen madaxda hayโ€™adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika ayaa si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah.

Maareeyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hayโ€™adaha kale ee ka qeybgalayay shirweynaha, isagoo adkeeyay muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si loogu wajahdo caqabadaha wadajirka ah ee xagga xog-ilaalinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...