Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo saaka ka bilaabatay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley

Date:

Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir waxaa saakay ka bilowday is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa bilowga bisha June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ayaa saaka subaxdii hore si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka ay is diiwaangalinta ka socoto ayaa soo dhaweeyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Sidoo kale qaar kamid ah shacabka labadan degmo oo ay kasocoto diiwaangalinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaan oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Waxa guul weyn u ah in shacabka Soomaaliyeed mudo dheer ka dib heli doonan xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...