DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha XFS oo isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo akhriyay liiska xubnaha la magacaabay ayaa sheegay isku shaandheyntani ay saameyneyso xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda, wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wasaaradda Gaashaandhiga.

Ra’iisal wasaaraha markii uu arkay qodobada 97-aad, 98-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda DanQaran, markii uu Ra’iisal wasaaruhu tixgeliyay talada madaxweynaha JFS,islamarkaana garowsaday baahida loo qabo magacaabidda xubnahan golaha wasiirada, waxaa Ra’iisal wasaare mudane Xamsa Cabdi Barre uu magacaabay xubnahan soo socda:-

1. Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

3. Mudane Amb: Axmed Macallin Fiqi Axmed, waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Gaashaadhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...