Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo saaka ka bilaabantay lix degmo ka tirsan gobolka Banaadir

Date:

Degmooyinka Hodan, hawlwadaag, Kaaraan,Yaaqshiid, Warta Nabada, Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay ka bilaabay is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa bisha June.

Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan degmooyinkan ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen,una heli lahaayeen xuquuqdooda codbixin.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka ay is diiwaangalinta ka socoto ayaa soo dhaweeyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Qaybo kamid ah shacabka degmooyin ay ka socoto diiwaangalinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaa oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Diiwaangelinta codbixiyaha ayaa hore uga socotay toddoba degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir waxayna hadda noqonaysaa in diiwaangelintu si rasmi ah uga socoto 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...