Safiirka Soomaaliya ee Mongolia oo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas

Date:

Ulaanbaatar –Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Mongolia (ee aan degganaasho ku lahayn), Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa kulan miro-dhal ah kula qaadatay magaalada Ulaanbaatar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Mongolia, Marwo Battsetseg Batmunkh, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Purevsurengiin Naranbayar.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mongolia, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka waxbarashada, ganacsiga, iyo isdhaafsiga aqoonta iyo khibradda.

Dowladda Mongolia ayaa gaartay heer sare oo waxbarasho, iyadoo gaartay 95% heerka aqris-qoris (literacy rate), waxana ay dhawaan heshay abaalmarin caalami ah oo lagu maamuusay tayada iyo hufnaanta barnaamijkeeda waxbarasho ee onlaynka ah, kaas oo suurtageliyay in dadka ku nool deegaannada fog-fog ay helaan fursado waxbarasho oo tayo leh.

Dhinaca Ganacsiga, labada dhinac waxay isku raaceen in ay jiraan fursado rajo leh oo lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan dhinacyada dhoofinta wax-soo-saarka Soomaaliya sida waxyaabaha beeraha, kalluumeysiga, iyo badeecooyinka kale.

Mongolia oo leh dhaqaale kobcaya ayaa muujisay xiise ay u qabto horumarinta xiriir ganacsi oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato Soomaaliya.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi ayaa sheegtay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Dowladda Mongolia si loo dhiso xiriir waara oo ku saleysan iskaashi dhab ah, wax-wada-qabsi iyo dan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...