Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga La-socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal, iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Xirsi Timacadde, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen habdhowrayaal iyo xoghayeyaasha guud ee labada Aqal.

Guddiyada ayaa guddoonka labada Aqal la wadaagay warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha dib u eegista Dastuurka, gaar ahaan qorshayaasha la xiriira cutubyada harsan iyo waqtiga la filayo in Baarlamaanka la horgeeyo.

Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay isku raaceen in la dardargeliyo hawlaha dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka, si loo xaqiijiyo in Dastuurka Kumeelgaarka ah uu u gudbo heer rasmi ah, taasoo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...