Xamarjajab,Waabari iyo Cabdicasii oo saakay ay kasocoto diiwaangelinta codbixiyaasha

Date:

Degmooyinka Xamarjajab,waabari iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir waxaa saakay ka bilaabay is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa June.

Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan degmooyinka Xamarjajab,Cabdicasiis iyo Waabari ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka ay is diiwaangalinta kasocoto ayaa soo dhaweeyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Sidoo kale qaar kamid ah shacabka Saddxda degmo oo ay kasocoto diiwaangalinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaa oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...