Muqdisho oo maanta ay ka billaabaneyso diiwaangalinta codbixiyeyaasha golaha deegaanka

Date:

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani waxa maanta ka billaaban doono diiwaangalinta codbixiyaasha golaha deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha dadweyne ee la filayo in ay dhacdo June.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka hadlay munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyey in maanta loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gaar ahaan degmada Shangaani oo iyada nasiib u yeelatay in laga bilaabo.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka howl-galka doorashooyinka Mudane Maxamed Aamiin Xasan Cabdullahi oo isna shalay ka hadlay munaasabadda ololaha Qaran ee diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha ayaa sheegay in dagmada Shangaani loo xushay in ay ka billaabato diiwaan-galinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir, isagoo reer Shangaani ugu baaqay in ay soo baxaan oo ay is diiwaan-galiyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in ay tallaabadani meesha ka saarayso sheekadii ayad dalka doorasho kama dhici karto.

Guddoomiye Yabooh “Diiwaan gelintan maanta billaabatay waxay meesha ka saaraysaa dalka doorasho kama dhici karto.”

Muddo 60-sano ah ka dib shacabka Soomaaliyeed ayaa heli doona xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...