Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad oo daahfuray shirweynaha Xaquuqul Insaanka

Date:

Ra”iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirweynaha Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Soomaaliya.

Shirkan oo ayaa soo qaban qaabisay wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka ayaa looga hadlayaa ilaalinta iyo hormarinta arrimaha Xuquuqul Aadanaha,waxana ka qeygalay wasiirro, xildhibaanno katirsan BFS,xubno ka socda maamul goboleedyada, wakiilllo kale ee ka socda qar kamid ah beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo furay shirka ayaa wasaaradda Qoyska ku bogaadiyey qabashada shirweynahan, isagoo sheegay inay Soomaaliya ku jirto waqti wanaagsan islamarkaana dowladda u tahay ilaalinta Xaquuqul Insaanka tiirarka ugu wayn.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaaliya hoggaan u noqon laheyd dhowridda xuquuqda aadanaha.” Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka Cabdisalaan Cabdi Cali.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in shirkan muhiim gaar ah u leedahay maadaama ay tahay markii ugu horeeysay oo shir noocan oo kale ah lagu qabtay Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay muhiimadda ay wasaaradda siinayso ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka Iyo dhowrista dadka jilicsan sida Haweenka, Caruurta iyo dadka Naafada ah.

“Shirweynahan waxaan kusoo bandhigeynaa sida ay soomaaliyada cusub hormar uga sameyneyso ilaalinta Xuquuqul insaanka waana markii ugu horeysay oo uu dalkeennu martigeliyo Shirweynahan” ayay tiri Wasiirka Qoyska iyo hormarinta Xuquuqul insaanka Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi

Wakiilka gaarka ah ee Xoghaye guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisadom Zenenga iyo Safiirka UK ee Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey ilaalinta xuquuqda aadanaha, taaso oo ay sheegeen inay iyagana qeybtooda ka qaadanayaan la shaqeynta wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka si loo xoojiyo hormirinta arrimaha Xuquuqul Aadanaha.

Shirka mudda saddax cisha ah socon doono ayaa lagu soo bandhigayaa daraasado la xiriiro arimaha xuquul Aadanaha iyo sida ugu haboon ee loo ilaalin karo, sidoo kale waxaa shirka uu marti galin doonaa doodo la xariira Xuquuqda Aadanaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo daah-furay hindise sare loogu qaadayo waxtarka xoolaha

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Dhalinyarada XFS oo iska diiwaan geliyay degmada Shangaani

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali...

Shirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad

Shirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad, iyadoo maanta...

Muqdisho oo maanta ay ka billaabaneyso diiwaangalinta codbixiyeyaasha golaha deegaanka

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani...