Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Starlink guddoonsiisay rukhsadda adeegga internetka

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta guddoonsiisay Shirkadda Starlink rukhsadda isgaarsiineed oo ay kaga howlgeleyso dalka.

Munaasabadda guddoonsiinta oo ka dhacday caasimadda waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Dowladda iyo Shirkadda Starlink. Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin SHEIK oo xafladda guddoonsiinta ka hadlayay ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink ee Soomaaliya ay wax weyn ka tari doonto dadaallada lagu doonayo in adeegyada internetka lagu gaarsiiyo dalka oo dhan.

“Waxa aan rajeyneynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ganacsiyada, hay’adaha dowladeed ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Maxamed Aadan Macallin, oo munaasbaadda goobjoog ka ahaa, ayaa sheegay in dowladdu ku faraxsan tahay in Starlink soo gaarto dalkeena.

“Waxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo,” ayuu yiri wasiirka.

Adeegga internetka ee Starlink ayaa la filayaa in uu kaabi doono adeegyada Isgaarsiinta ee dalka jira, isaga oo wax weyn ka tari doono in adeegga internetku wada gaaro dalka oo dhan, isagoo sahlaya in adeegyada looga faa’iideysto internetka uu wada gaaro dadweynaha oo dhan.

Dalkeena waxaa hore u soo gaaray dhowr xarig internet oo ka soo dagay qaar ka mid ah xeebaha dalka, iyadoo Starlink-na ay ku soo kordhineyso adeeg cusub oo dhinaca dayaxgacmeedka ah oo gaari kara meel kasta oo dalka ka mid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...