Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Starlink guddoonsiisay rukhsadda adeegga internetka

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta guddoonsiisay Shirkadda Starlink rukhsadda isgaarsiineed oo ay kaga howlgeleyso dalka.

Munaasabadda guddoonsiinta oo ka dhacday caasimadda waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Dowladda iyo Shirkadda Starlink. Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin SHEIK oo xafladda guddoonsiinta ka hadlayay ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink ee Soomaaliya ay wax weyn ka tari doonto dadaallada lagu doonayo in adeegyada internetka lagu gaarsiiyo dalka oo dhan.

“Waxa aan rajeyneynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ganacsiyada, hay’adaha dowladeed ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Maxamed Aadan Macallin, oo munaasbaadda goobjoog ka ahaa, ayaa sheegay in dowladdu ku faraxsan tahay in Starlink soo gaarto dalkeena.

“Waxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo,” ayuu yiri wasiirka.

Adeegga internetka ee Starlink ayaa la filayaa in uu kaabi doono adeegyada Isgaarsiinta ee dalka jira, isaga oo wax weyn ka tari doono in adeegga internetku wada gaaro dalka oo dhan, isagoo sahlaya in adeegyada looga faa’iideysto internetka uu wada gaaro dadweynaha oo dhan.

Dalkeena waxaa hore u soo gaaray dhowr xarig internet oo ka soo dagay qaar ka mid ah xeebaha dalka, iyadoo Starlink-na ay ku soo kordhineyso adeeg cusub oo dhinaca dayaxgacmeedka ah oo gaari kara meel kasta oo dalka ka mid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...