Wasiirka Warfaafinta oo shir guddoomiyay kulanka hayโ€™adda TUBSAN ee la dagaallanka arrimaha xag-jirka

Date:

  • Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee hayโ€™adaha DFS, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya, Hayโ€™adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha la dagaalanka fikradaha xag jirka ah iyo ka hortagga falalka argagixisonimada ee nabadda ka dhanka ah (Preventing & Countering Violent Extremism).

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hayโ€™adda Qaran ee Tubsan ee La Dagaalanka Fikradaha Xag-Jirka ah ayaa waxaa looga dooday halka ay marayaan hawlaha la dagaalanka fikradaha xagjirka iyo argagixisonimada iyo sidii hayโ€™adaha ku mideysan hawshan ay iskaga kaashan lahaayeen dardar-gelinta barnaamijkan oo muhiim u ah in Soomaaliya ay dib u hesho xasilooni buuxda, qeybna ay ka qaadato nabadda gobolka iyo tan caalamka.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daaโ€™uud Aweys oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa xusay in hawlaha la xiriira fikradaha xajirnimada ee rabshadaha wata aan laga mira dhalin karin haddii aanay jirin iskaashi buuxa oo dhex mara hayโ€™adaha dowliga ah, bulshada iyo qeybaha kale ee muhiimka u ah najaxinta qorshahan qaran.

Sidoo kale, Wasiir Daaโ€™uud ayaa xusay muhiimadda isku duwidda shaqooyinka barnaamijkan oo noqon kara waddada keliya ee lagu xaqiijin karo in jawaab celin waafi ah oo dhameystiran, iskuna dhafan laga bixiyo caqabadaha xagjirnimada rabshadaha wata.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka uga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen Khawaarijta, kuwaas oo guulo la taaban karo laga soo hoyay, isla markaana ku ammaaney shacabka sida ay ugu baraarugsan yihiin damaca guracan ee Khawaarijta oo mar walba lid ku ah nolosha iyo bedqabka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daccรฒ Coppi iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Hayโ€™adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) Dr. Christopher Laker iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa iyaguna kulankan hadal ka jeediyay, iyagoo ku amaaney Hayโ€™adda Tubsan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga goโ€™an tahay baabiโ€™inta fikradaha xagjirnimada iyo inay Soomaaliya u horseedaan nabad, barwaaqo, horumar bulsho iyo mid dhaqaale intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...