Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo xoojisay ka hortagga Tahriibka

Date:

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda qaran ee ay ugu xil-saarantahay Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya waxa ay muddooyinkii u dambeeyay xoogga saartay ka hortagga, la dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxa ay todobaadyadii ugu danbeeyay hakisay tiro socdaal sharci darro ah oo ay ku tahriibayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo da’dooda u dhaxeyso 18-25 sano, una safrayay wadamada qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ee sanadka 2025, Hay’addu waxa ay ka hortagtay 124 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo qorshayneeyey in ay bilaabaan safaradooda tahriibka ah, iyagoo u safraaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Dhammaan dhallinyarada lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh ee JFS.

Hay’adda waxaa waajib ka saaranyahay badbaadinta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed si aanay ugu hallaagsamin badaha iyo khataraha kale ee uu leeya-hay tahrribku,, sidaas awgeed hay’addu waxay waalidiinta Soomaaliyeed ku baraarujineysaa ka warqabka dhaq-dhaqaaqa ubadkooda si aan wadajir uga badbaadino khataraha ay la kulmayaan muddada ay safarka tahriibka ku jiraan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxa ay kaalin buuxda ka qaadaneysaa hakinta socdaalka sharci darrada ah, iyadoo diyaarin doonta barnaamijyo wacyi-gelin ah si dhallinyarada Soomaaliyeed fahan buuxa uga helaan khataraha ay wajihi karaan.

Maadama hay’adda uu waajib ka saaranyahay badbaadinta dhallinyaradda Soomaaliyeed waxay guud ahaan hakisay socdaalka dadka aan-qaangaarin iyo kuwa lagu qabto cadeymo muujinaya in ay tahriib u socdaan, waxayna hay’addu dabagal iyo baaritaan ku sameyneysaa shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha socdaalka (Travel Agencies) kuwaas oo ku lug leh tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxa ay dhiirigelinaysaa wadashaqeyn dhex marta waalidiinta Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, iyo ganacsatada Soomaaliyeed si looga miro dhaliyo dadaalada looga hortegayo tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...