Hay’adda Al-Mahaasin Foundation oo hirgelisay Mashruuca qeybinta Zakada Fidriga ee 1446H 

Date:

Iyadoo la fulinayo ballanqaadkeenii joogtada ahaa ee ku aaddan taageeridda dadka u baahan iyo xoojinta ammaanka cuntada ee Soomaaliya, Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, oo kaashanaysa Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada, ayaa hirgelinaysa Mashruuca Qaybinta Zakada Fidriga ee sanadka 1446H – 2025. Mashruucan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada gargaarka ee joogtada ah, si kor loogu qaado nolol-wanaagga qoysaska danyarta ah iyo kuwa barakacay.

Mashruucan waxaa ka faa’iideysan doona 57,000 oo qoys oo danyar ah iyo kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo degmooyinka qaar ee Shabeellaha Hoose. Ujeedada mashruucan waa in la yareeyo culeyska nololeed ee qoysaska, loogana dhigo maalmaha ciidda Fidriga kuwo farxad leh.

Mashruucan wuxuu sii xoojinayaa dadaallada Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan taageeridda shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la fulinayo mashaariic kala duwan oo daboolaya dhinacyada ammaanka cuntada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul.

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, si kal iyo laab ah, uga mahadcelinayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada taageeradooda deeqsinimada leh iyo iskaashigooda joogtada ah ee hirgelinta mashaariicda gargaarka. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa go’aankeenna ah inaan sii wadno gargaarka dadka u baahan iyo xoojinta iskaashiyada wax-ku-oolka ah, si loo xaqiijiyo nolol sharaf leh oo dhammaan bulshada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...