Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayay Nafaqada

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeyb galay Shirka kobaca Nafaqada (Nutrition for Growth) oo sanadkan ka dhacaya magaalada Baariis ee dalka Faransiiska.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galey inta badan madaxda dalalka Caalamka oo ay ugu horreeyaan Dowladaha Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka, Nedarland Gaana, Neyjeeriya iyo kuwa kaloo badan oo kulanka muhiimnu ahaa kasoo qeyb galiddooda maadaama Barnaamijka kobaca Nafaqada uu yahay mid si guud u taabanaya dalalka Caalamka.

Kulanka oo ahaa mid muhiim u ah Caafimaadka Soomaaliya iyo horumarintiisa waxaa lagu daahfurey Qorshaha Guud oo wax ka qabashada xaladaha Nafaqa-darada iyo isku dhafka Barnaamijyada ka hortagga ee nafaqa yarida, taasoo door muhiim ah ka cayaareysa geediga hayaanka horumarinta Caafimaadka gaar ahaan la dagaalanka Nafaqo yarida.

Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ee ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Faransiiska danjire Mohamed Ali Nuur, Agaasimaha waaxda Caafimaadka qoyska Mustafa Cawil Jaamac iyo madaxa Barnaamijka Naqada Soomaaliya Usaama Cabdi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...