Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayay Nafaqada

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qeyb galay Shirka kobaca Nafaqada (Nutrition for Growth) oo sanadkan ka dhacaya magaalada Baariis ee dalka Faransiiska.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galey inta badan madaxda dalalka Caalamka oo ay ugu horreeyaan Dowladaha Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka, Nedarland Gaana, Neyjeeriya iyo kuwa kaloo badan oo kulanka muhiimnu ahaa kasoo qeyb galiddooda maadaama Barnaamijka kobaca Nafaqada uu yahay mid si guud u taabanaya dalalka Caalamka.

Kulanka oo ahaa mid muhiim u ah Caafimaadka Soomaaliya iyo horumarintiisa waxaa lagu daahfurey Qorshaha Guud oo wax ka qabashada xaladaha Nafaqa-darada iyo isku dhafka Barnaamijyada ka hortagga ee nafaqa yarida, taasoo door muhiim ah ka cayaareysa geediga hayaanka horumarinta Caafimaadka gaar ahaan la dagaalanka Nafaqo yarida.

Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ee ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Faransiiska danjire Mohamed Ali Nuur, Agaasimaha waaxda Caafimaadka qoyska Mustafa Cawil Jaamac iyo madaxa Barnaamijka Naqada Soomaaliya Usaama Cabdi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...