Duqa Muqdisho oo soo xiray Tartanka Qur’aan Aqriska Bisha Ramadaan 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxmed Axmed Amiir, ayaa soo xiray Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo sanad weliba bisha barakeysan ee Ramadaan la qabto ayaa waxaa ka qeyb-galay ardey ka kala socotay Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kaalimaha horey u kala galay;

30-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂.

1- Caa’isha Aadan Maxamed (Kaalinta 1aad).

2- Maxamed Cusmaan Aadan (Kaalinta 2aad).

3- Xannaan Axmed C/laahi (Kaalinta 3aad).

20-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂.

1- Cabdimaalik Rashiid Maki (Kaalinta 1aad).

2- Sakariye Cilmi Maxamed (Kaalinta 2aad).

3- Cabdiraxmaan Cabdisalan Maxamed (Kaalinta 3aad).

10-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂

1- Cabdisalaan Cumar Xuseen (Kaalinta 1aad).

2- Ibraahim Macalin Xareed (Kaalinta 2aad).

3- Aasiya Nuurudiin Xasan (Kaalinta 3aad).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa kula dar-daarmay Macalimiinta Dugsiyadda Quraanka Kariimka in ay ardeyda baraan tafsiirka Quraanka, si ay faham guud ugu qaataan micnaha uu leeyahay Quraanka Kariimka, asigoona balan qaaday in uu wax ka qaban doonno marxaladda ay hada ku sugan yihiin Dugsiyadda Quraanka Kariimka.

Guddoomiye Amiir abaal-marino kala gedisan guddoonsiiyay ardeyda kaalimaha horey ka galay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaam ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona Hambalyo iyo boogaadin u diray dhamaan ardeyda, Macalimiinta, guddigii qaban qaabada, guddigii garsoorka iyo waalidiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...