Duqa Muqdisho oo soo xiray Tartanka Qur’aan Aqriska Bisha Ramadaan 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxmed Axmed Amiir, ayaa soo xiray Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo sanad weliba bisha barakeysan ee Ramadaan la qabto ayaa waxaa ka qeyb-galay ardey ka kala socotay Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kaalimaha horey u kala galay;

30-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂.

1- Caa’isha Aadan Maxamed (Kaalinta 1aad).

2- Maxamed Cusmaan Aadan (Kaalinta 2aad).

3- Xannaan Axmed C/laahi (Kaalinta 3aad).

20-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂.

1- Cabdimaalik Rashiid Maki (Kaalinta 1aad).

2- Sakariye Cilmi Maxamed (Kaalinta 2aad).

3- Cabdiraxmaan Cabdisalan Maxamed (Kaalinta 3aad).

10-𝒌𝒂 𝑱𝒖𝒔 𝒆𝒆 𝑸𝒖𝒓𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑲𝒂𝒓𝒊𝒊𝒎𝒌𝒂

1- Cabdisalaan Cumar Xuseen (Kaalinta 1aad).

2- Ibraahim Macalin Xareed (Kaalinta 2aad).

3- Aasiya Nuurudiin Xasan (Kaalinta 3aad).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa kula dar-daarmay Macalimiinta Dugsiyadda Quraanka Kariimka in ay ardeyda baraan tafsiirka Quraanka, si ay faham guud ugu qaataan micnaha uu leeyahay Quraanka Kariimka, asigoona balan qaaday in uu wax ka qaban doonno marxaladda ay hada ku sugan yihiin Dugsiyadda Quraanka Kariimka.

Guddoomiye Amiir abaal-marino kala gedisan guddoonsiiyay ardeyda kaalimaha horey ka galay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaam ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona Hambalyo iyo boogaadin u diray dhamaan ardeyda, Macalimiinta, guddigii qaban qaabada, guddigii garsoorka iyo waalidiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...