Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay muwaadiniin ku xirnaa dalka Liibiya

Date:

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo gacan ka heleeyso hay’ada socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 145 muwaadin oo mudo ku xiraan dalka Liibiya.

Dhalinyaradan oo ay ka muuqdeen tacdiyo badan ayaa 37 ka mid ah laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa halka 108-da kalana lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal iyo madax ka socotay hay’ada socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa si wadajir ah ugu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan dalka in ay dib ugu soo celiso muwaadiniin ku xirin dalal badan oo ka mid ah caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...