Kulanka Guddiga Joogtada ah oo lagu dhaariyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacaabay, waxaana xubnahan dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha la dhaariyay kula dardaarmay in ay qaranka si daacadnimo ah ugu adeegaan.

Xubnaha wasiirada ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah:

Mudane Maxamed Faarax Nuux oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali oo ah Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Marwo Aamina Xuseen Cali oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Marwo Dahabo Suusow Muunye oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...