Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu laabtay furumaha dagaalka si uu dar dar geliyo dagaalka Al shabaab

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka Khawaarijta, kaddib markii uu caasimadda Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka, isaga oo ku booriyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada Argagixisada ay uga dulqaadi lahaayeen dadkeenna ay dhibaataynayaan argagixisadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah Argagixisada.

Waxaa xusid mudan in dhawaanahan ciidamada dowladda ay gaarayeen guulo waaweyn iyaga oo kooxda Argagixsada ah ee Al shabaab kala wareegay magaalooyin, deegaano iyo waliba Tuulooyin cusub oo dhaca goballada Hiiraan, Mudug, iyo Galgaduud.

Kooxda Argagisada ayaa laga dilay kumanaan katirsan dagaalyahanadooda iyada oo dowladda Soomaaliya taageero ka heleysa diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka kuwaa oo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ku duqeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...