Madaxweynaha JFS oo kulan kula qaatay Moqokori hoggaamiyaha macawisleyda 

Date:

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida iyo Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka, ayaa degmada Moqokori kulan furan kula qaatay hoggaanka ciidammada shacabiga ah ee Macawisleyda, Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo waxgaradka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay bulshada Moqokori iyo hoggaanka Macawisleyda talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isaga oo ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horumarsan yihiin si ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo ciidamada si looga hortago khataraha ka dhasha kooxaha Khawaarijta ee ku sugan deegaanada qaar. Waxaa sidoo kale si gaar ah loo xusay doorka muhiimka ah ee shacabka iyo Macawisleyda ee la dagaalanka Khawaarijta, iyadoo la tilmaamay in dadaallada ciidanka iyo bulshada ay qayb weyn ka yihiin xoreynta dhulalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...