Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray jiidda hore ee dagaalka Khawaarijta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada.

Madaxweynuhu ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...