Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub

Date:

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan macallin Soomaali, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey Agaasimihii hore ee wasaaradda , Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq, iyo Agaasimaha Cusub, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay agaasime waaxeedyada, lataliyeyaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo ka markhaati kacay dadaalkii iyo hoggaamintii Agaasimihii hore.

Agaasimaha booska baneeyey ee Cabdicasiis Duwane oo munaasabadda kahadlay ayaa umahadceliyey wasiirka isagoo xusay in si dhaw ay uwada shaqeeyeen mudadii uu wasiirku joogay wasaaradda,Waxa uu si qota dheer uga hadalay agaasime duwane howlihii baaxadda lahaa ee uqabsoomay waqtigii uu xilka hayey.

Dhankiisa waxaa madasha si kooban hadal uga jeediyey agaasimaha xilka lawareegay waxa uuna balan qaaday inuu sii amba qaadi doono howlaha horutabinta uleh wasaaradda shaqadiisana ay noqon doonto mid kushaqeysa siyaasadda wasiirka wasaaradda iyo xumkuumadda dan qaran.

Wasiir Maxamed Soomaali, ayaa ammaan ballaaran u jeediyey Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq, isagoo ku sifeeyey mas’uul karti, xilkasnimo iyo daacadnimo leh, una soo qabtay shaqo mug leh intii uu xilka hayey. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dedaalkii uu geliyey horumarinta wasaaradda, isagoo xusay in dadaalkiisa iyo hoggaamintiisa ay wax badan ka beddeleen habsami u socodka shaqada.

Dhanka kale, Wasiirka wasaaradda waxa uu dardaaran u jeediyey Agaasimaha Cusub ee wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Faarax Cabdinuur Axmed, isagoo kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah u guto waajibaadka loo igmaday, korna u qaado tayada shaqada wasaaradda.

Wasiirku wuxuu xusay in laga rajeynayo agaasimaha cusub in uu sii xoojiyo dadaalladii hore, isla markaana uu hormuud ka noqdo kor u qaadista howlaha wasaaradda.

Ugu dambeyn, waxaa si rasmi ah loogu wareejiyey Agaasimaha cusub dhammaan dukumentiyadii iyo xilkii agaasime guud, halka Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq uu ku mutaystay shahaado sharaf lagu maamuusay shaqadii qiimaha lahayd ee uu soo qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...