Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 3-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Waaberi iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Waaberi iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Waaberi

Tartameyaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Afar su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Waaberi, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.

Hadaba kulankii 3-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...