Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa fududeynta xaqa xog helista dadweynaha

Date:

Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxaa ka qeyb galaya 35-xubnood oo ka kala socda Hay’addaha Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka ah, inta uu socday waxaa ka qeyb galayaashu is dhaafsadeen xog iyo aqoon wadaag ku saabsan fududeynta ee Fududeynta xog helista Dadweynaha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray tababarka ayaa uga mahceliyay ka qeyb galayaasha sida ay isula falgaleen intii uu socday aqoon isweydaarsiga, isagoo oo sheegay in Wasaaraddu xoojin doonto kulamada iyo aqoon isweydaarsiyada ku aaddan iskaashida Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka si’ kor loogu qaado fududeynta xog helista iyo wacyigalinta dadweynaha.

Burhaan Diini Faarax Agaasimaah Idaacadda Kulmiye ahna madaxa Warbaahinta Daladda Warbaahinta SOMA iyo Eng. Nuur Sh Cali oo ku hadlay Afka xubnihii Warbaahinta ee ka qeyb galay Aqoon Isweydaarsiga ayaa uga mahadceliyeey Wasaaradda Warfaafinta qabashada aqoon isweydaarsigaa oo muhiim u ah fududeyn xog helista Warbaahinta iyo Bulshada.

Gabagabada Aqoon Isweydaarsiga oo uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS ) ka taageeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Ka qeyb galayaashii tababarka ka faa’iidaystay labadii maalmood ee uu socday.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dedaaladda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dowladda, warbaahinta iyo Bulshada si kor loogu qaado wacyigalinta iyo dowlad wanaagga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...