Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Geerida Dr Maxamed Yuusuf 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf Xasan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Maxamed uu door weyn ka soo qaatay samatabixinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in Dr Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka ugu muhiimsan ee bahda caafimaadka, waxa uuna waqtigiisa si mutadawacnima ah ugu bixin jiray badqabka caafimaad ee bulshada iyo soo saaridda jiilal u leylisay xirfadda Caafimaadka oo khibrad iyo aqoon wanaagsan u leh, si ay dadka iyo dalka ugu adeegaan.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee NHPC ayaa xilliyo adag u soo adeegay dadkiisa, ilaa maantana waxa uu u taagnaa sidii uu dalkiisa u gaarsiin lahaa horumar Caafimaad oo waara, isaga oo ku xeeldheera culuumta caafimaadka, hagidda xirfadleyaasha iyo hoggaamintooda”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey marxuumka in hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda xirfadleyaasha caafimaadka, dhaqaatiirta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...