War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya 

Date:

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay Mudane Abiy Ahmed, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, intii uu ku sugnaa booqashadiisa shaqo ee Soomaaliya.

Booqashadan oo daba socota kulamo xiriir ah oo labada dhinac ay yeesheen bilihii la soo dhaafay waxay xoojinaysaa dib u hagaajinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxay markale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay wadaagaan si ay uga faa’iidaystaan labada shacab. Iyagoo garwaaqsan xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xadka ay wadaagaan, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsooni, iyada oo loo marayo xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo bulsho.

Ethiopia iyo Soomaaliya waa dalal isku tiirsan oo leh mustaqbal iyo himilo wadajir ah oo ku aaddan xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iyaga oo taas ka duulaya, labada hoggaamiye waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariicda muhiimka ah ee dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo horumar waara, is-dhexgal dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka shacabka.

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyay Bayaanadii Ankara, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay wadahadal wax dhisaya iyo iskaashi.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay sidoo kale soo dhaweeyeen is-afgaradka ay gaareen taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidanka Difaaca Qaranka Ethiopia (ENDF), iyada oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka.

Labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha guud, horumarinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si loo wanaajiyo nolasha muwaadiniintooda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...