𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐞𝐲

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furey Shirka Sanadlaha ah ee qiimeynta iyi dib u eegista Caafimaadka dalka oo socon doona muddo sedax cisho ah.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Mohamed Hassan Bullaale, Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle, Saadaq Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, Guuleed Cabdijaliil Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Cabdiraxman Axmed Maxamuud, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, mas’uuliyiin ka socdey Wasaaradda Qorsheynta XFS, xubno sare oo ka socdey dowlad goboleedyada, Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Bangiga aduunka, GFF iyo marti sharaf kale.

Kulankan sanad laha ah waa kulankii ugu horreeyey ee noocan ah la qabto waxaana lagu lafa guri doonaa in howlaha Caafimaadka ee ka socda dalka caqabadaha jira iyo sidii loo heli lahaa xal waara iyadoo laga sii fakarayo ajandayaasha Caafimaadka ee dalkeen kaas oo la jaan qaadayo qorshaha Isbedalka Qaranka ee NTP, si loo helo Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goob kasta.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...