‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN).

Date:

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub cusub oo xiriir dibloomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale.

Sanadka 1991 oo noogu asteysan in dalkeena uu galay dagaal sokeeye iyo burbur ayaa iyagana ugu asteysan sanadkii ay Soviet-ka kala soo noqdeen madaxbanaanidooda. Halkaasi waxaa ka bilaabanaysa laba taariikhood oo mudan in casharo laga barto. Halka anaga aan ka soo kabanayno dib u dhac na la soo gudboonaaday xilli dunida inteeda kale ay ku tallaabsatay horumarkii ugu xooggannaa ee dhan walba gaar ahaan tiknoolojiyadda, Azerbaijan waxay la jaanqaadday horumarkaas.

Sida uu ii sheegay Mikayil Jabbarov, Wasiirka horumarinta dhaqaalaha ee dalkaasi intii aan ku sugnayn caasimadda Baku, dakhliga fardiga ah ee muwaaddinka Azeriga ah wuxuu ka kacay $735 (nml) sanadkii 1991-kii, wuxuuna hadda marayaa $7,381 heerka sare ee waddamada dhakhliga dhexe leh “upper middle income country”, taasi oo ka dhigan in seddex caqdi gudahooda ay dhaqaalahooda aad u kordhiyeen.

Horumarka ay gaareen waxaa asal u ah:-

(1) xasillooni iyo nabad galyo,

(2) horumarinta kheyraadka dalka oo uu shidaalka ugu horeeyo,

(3) dhismayaasha kaabayashaa dhaqaalaha gaar ahaan dhuumaha shidaalka ee sida tooska suuqyada caalamiga ah ugu xira (Baku-Tiblisi- Ceyhan, Southern Gas Corridor),

(4) Warshadeyn baaxad leh,

(5) soo jiidasho maalgashi ajnabi

(6) horumarinta karaanka muwaaddiniinta,

iyo (7) danabeynta adeegyada dowladda. Intaasi waxaa sii dheer horumarka dhanka ciidamada ay ka gaareen.

Marka laga tago Warshadaha shidaalka, xarumaha adeegga dowladda “Asan”, Warshadaha soo saara qalabka militariga, oo ah xarumaha xuddunta u ah horumarkooda ee uu Madaxweynaha iyo wafdiga Soomaaliya ay booqdeen, horumarka dalka waxa uu ka muuqdaa Waddooyinka, dhismayaasha iyo nadaafadda caasimadda.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkeena oo asagoo talada haya booqda dalka Azerbaijan, waxaana rajayneynaa in xiriirka labada dalka uu soo kordhin doonno iskaashi horseedaya horumar sida ku cad heshiisyada difaaca, Waxbarashada, Tamarta iyo sare u qaadidda adeegga dowladnimada ee ay labada dal kala saxiixdeen, kaasi oo sida qorshaha yahay loo sameyn doono guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeynaya fulintooda.

Dhinaca Militari isagoo ka hadlaaya Madaxweynaha Azerbaijan “Soomaaliya waxaan ku caawin karnaa in ay hesho hubka aan soo saarno”.

“Waxaa maanta sharaf ii aheyd in aan magaalada Baku dhiggeyga Azerbaijan, mudane Zakir Hasanov kula sixiixdo heshiis iskaashi ee dhinacyada difaaca iyo warshadaha difaaca.

Munaasabadan oo aheyd mid qiimo leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ilham Aliyev, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan. Waa tallaabo muhim ah oo aan horey u qaaday taasoo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Waxaa naga go’an inaan horumarino wadashaqeynteena, Sidoo keleba waxaan aaminsannahay in iskaashigaani uu noo horseedi doono horumar la taaban karo awoodeena difaaca”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka gaahaandhigga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...